Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Xog badan ayaad ku helaysaa luuqadaan.

Sabab la xariirta sharci uu soo jeediyay Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka guud) ayna ansixiyeen baarlamaanku, 4 milyan oo dadka  Washington ah ayaa hadda u qalma daryeelka bilaashka ah ama qiimaha jaban ee isbitaallada ku yaala gobalka Washington oo dhan.

Lifaaqyo Kooban:

 

Aalada Xisaabisa u qalmida

Su'aalaha Badanaa la Iswaydiiyo

Ku dhawaad nus kamid ah dhammaan dadka Washington ayaa u qalma daryeelka bilaashka ah ama qiimaha jaban ee isbitaallada gobalka Washington.  Difaacyadaan waxay khuseeyaan qarashaadka isbitaalka ee dadku jeebkooda ka dhiibayaan, ayna ku jiraan qaybta ugasoo aada qarashka iyo lacagaha caymisku jarto, ayadoon laga eegayn heerka caymiskooda. Sharciga Washington ayaa hadda difaacyada ugu adag siinaaya qarashaadka isbitaalka ee dadku jeebkooda ka biixyaan.

Sharciga cusub wuxuu si wayn u kordhinayaa u qalmida qarash dhaafka ku aadan qarashaadka isbitaalka ee dadku jeebkooda ka dhiibaan, sida qaybta ugasoo aadaysa qarashka iyo lacagaha caymisku jarto, sidoo kalena wuxuu balaarinayaa u qalmida qiimo dhimisyada. Kahor intaan sharciga cusub soo bixin, waalid keligiis ah oo shaqeeya labo shaqo oo bixiya mushaarka ugu yar shaqeeyana 50 saacadood asbuucii ayaan u qalmin caawimaad dhaqaale oo ku aadan isbitaallada Washington. Sharciga cusub ayaa arintaas badalaya.

Sharcigu wuxuu xaqiijinayaa in dhammaan dadka reer Washington ee dakhligoodu ku siman yahay heerka 300 boqolkiiba xadiga fakhriga ee federaalka ay u qalmaan caawimaad dhaqaale oo ku aadan qarashaadka isbitaalka ee ay jeebkooda ka dhiibayaan. Qoysaska sameeya dakhli dhan ilaa 400 boqolkiiba xadiga fakhriga ee federaalka ayaa u qalmi kara caawimaad dhaqaale ayadoo ku xiran isbitaalka.  Sharciga cusub wuxuu abuurayaa labo qaybood oo caawimaad dhaqaale ah — hal qayb waxay khusaysaa isbitaallada waawayn iyo nidaamyada daryeelka (Qaybta 1 aad) halka qaybta kale ay qusayso isbitaallada yaryar, ee madaxa banaan (Qaybta 2 aad).

Fiiri shaxda hoose si aad u aragto haddii adiga ama qof kale oo qoyskaaga kamid ah uu u qalmo. Shaxdu waxay muujinaysaa heerarka dakhliga ee u qalma qiimo dhimista ee isbitaallada Qaybta 1 aad iyo Qaybta 2 aad (halkaan guji si aad u hesho liiska aan rasmiga ahayn ee isbitaallada ku jira qaybtaan):

Chart listing potential discounts

 


Xisaabi boqolkiiba heerka dakhligaaga ee xadiga fakhriga federaalku u dejiyay:

Dakhliga sanadkii:
Tirada dadka Guriga ku nool:

 

 

Shaxda iyo xisaabiyaha ayaa loogu talagalay in qiyaas laga qaato oo keliya. Toos ula tasho isbitaalkaaga si aad u go'aamiso u qalmidaada gaarka ah. Haddii aad isleedahay isbitaalkaagu ma raacaayo sharciga, cabasho u gudbi Garyaqaanka Guud oo aad ka helayso https://www.atg.wa.gov/file-complaint


SU'AALAHA BADANAA LA ISWAYDIIYO

 

Waa maxay “charity care (daryeelka deeqda ah)”?

Sharciga daryeelka deeqda ah ee Washington ayaa qasab uga dhigaaya isbitaallada inay caawimaad dhaqaale u fidiyaan bukaannada danyarta ah si looga caawiyo qarashaadkooda caafimaadka ee ay jeebkooda ka dhiibayaan. Si aan u caddayno, waxaan ka hadlaynaa dadka caymiska haysta, maaha keliya dadka aan caymiska haysan. Dad badan ayaa waajahaaya kharashaadka badan ee ay jeebkooda ka dhiibayaan xataa ayagoo haysta caymis, sharcigeena daryeelka deeqda ahna wuxuu caawinayaa dadkaas.

 

Ma jiraa shardiga da'da ugu yar?

Maya. Ma jiro shardiga da'da ugu yar ama ugu badan ee u qalmida. Dhammaan dadka Washington waa u qalmaan.

 

Ma qasab baa inaad leedahay caymiska Medicare ama Medicaid si aad u adeegsato daryeelka deeqda ah?

Maya, daryeelka deeqda ah waxaa heli kara qof kasta oo reer Washington ah, haddii uu haysto caymis caafimaad oo dawladeed, caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay ama uusanba lahayn wax caymis ah. Daryeelka deeqda ah wuxuu daboolayaa qarashaadka aad jeebkaaga ka dhiibayso, ayadoon laga eegayn caymiska aad haysato, waxaana lagu saleynayaa keliya heerkaaga dakhliga.

 

Ma qasab baa inaan ahaado muwaadin Maraykan ah si aad u codsado daryeelka deeqda?

Maya, dhammaan bukaannada ayaa codsan kara daryeelka deeqda ah ayadoon laga eegayn sharciga ay haystaan.

 

Qaadashada daryeelka deeqda ah ma saamayn ayay ku yeelanaysaa u qalmidayda Social Security, Medicare ama Medicaid?

Maya kuma yeelanayso. Daryeelka deeqda ah wuxuu quseeyaa qayb kamid ah qarashka aad isbitaalka ku bixiso — sida lacagaha caymisku jarto iyo qaybta qarashka kaaga soo aadaysa. Medicare iyo Medicaid wali way dabooli doonaan qaybtooda, kadibna daryeelka deeqda ah ayaa daboolaaya qaybta soo harta ee bukaanku jeebkiisa ka dhiibaayo.

 

Miyaan caymisyada Medicaid iyo/ama Medicare dhiibin qarashka oo dhan?

Mar kasta maaha inay dhiibaan. Waxaa jiri kara qarashaadka jeebka laga dhiibo ee la xariira daryeelka isbitaalka ayadoo ku xiran nooca adeegga la daboolaayo. Arrintaan ayaa qusaysa caymiska gaarka loo leeyahay, sidoo kale.

 

Miyaysan caawimaada dhaqaale ee noocaan ah qusayn keliya dadka aadka danyarta u ah? Waxaan shaki ka qabaa inaan u qalmo "Deeqda."

Kedis ayay kugu noqon doontaa. Qarashaadka isbitaalku aad ayay ugu badan yihiin qof kasta. Waana taas sababta sharcigaan cusub u kordhinaayo u qalmida deeqda. Tusaale ahaan, qoys ka kooban afar qof dakhliga soo galana dhan yahay ku dhawaad $83,000 ayaa u qalma ugu yaraan qiimo dhimis loogu sameeyo isbitaal kasta oo ku yaala gobalka. Isbitaallada ugu waawayn, uma qalmaan wax qarashaadka jeebkooda ay ka dhiibayaan oo la daboolaayo. Isbitaallada ugu waawayn gobalka, qoysaska afarta qof ka kooban oo sameeya dakhli dhan $111,000 sanadkii ayaa u qalma ugu yaraan qiimo dhimis ku aadan qarashaadka ay jeebkooda ka dhiibayaan.

 

Daryeelka deeqda ah ma wuxuu keliya khuseeyaa daryeelka isbitaalka? Ka waran booqashooyinka xarunta caafimaadka.

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. Hase yeeshee, mararka qaar isbitaallada ay la xariiraan rugaha caafimaadka ayaa ku dabaqaaya xeerkooda daryeelka deeqda ah rugahaas caafimaad. Waxa ugu fiican ee aad samayn karto waa inaad mar kasta waydiiso.

 

Ma daboolayaa booqashooyinka waaxda xaaladaha degdega ah (ER), ama raajooyinka ama baaritaannada bukaan socodka ee lagu sameeyo isbitaallada?

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. Daryeelkaas waxaa ku jira daryeelka qolka xaaladaha degdega ah ee isbitaalka. Waxaa sido kale ku jiraan iskaan kasta, baaritaan ama qaliin lagu sameeyay isbitaalka. Daryeelka deeqda ah ayaan dabooli karin qarashaadka dhakhaatiirta ama adeeg bixiyaasha kale ee aan isbitaalka u shaqayn.

 

Daryeelka deeqda ah ma wuxuu keliya quseeyaa qarashaadka mustaqbalka, ama ma wuxuu quseeyaa qarashaadka hore sidoo kale?

Deeqda daryeelka ayaa khusaysa labadaba daryeelka mustaqbalka iyo kharashaadkii hore. Muhiim maaha mudada ay biilashu jireen, ama in loo diray iyo in kale dayn uruuriyaasha. Haddii aad u qalanto, daryeelka deeqda ah ayaad ku heli kartaa kharashaadka isbitaalka.

 

Waa maxay farqiga u dhexeeya "Qaybta 1 aad" iyo "Qaybta 2 aad"?

Isbitaallada waawayn, ee magaalooyinka waawayn oo matalaaya 80 boqolkiiba isbitaallada gobalka ayaa leh qaybtooda gaarka ah oo bixisa qiimo dhimiso aad u wayn. Waxaan ugu yeeraynaa isbitaaladaan waawan Qaybta 1 aad, ku dhawaad 3 milyan oo reer Washington ahna waxay heli doonaan daryeelka isbitaalka ee bilaashka ah ee isbitaallada ku jira Qaybta 1, halka ku dhawaad 1 milyan oo kale ay heli doonaan daryeel qiimo jaban. Isbitaallada yaryar ee madaxa banaan iyo kuwa tuulooyinka—oo ah 20 boqolkiiba isbitaallada laga helo gobalka — ayaa ku jira Qaybta 2 aad, waxayna bixiyaan qiimo dhimis ka yar kuwa kale.

 

Marka aan helay daryeelka isbitaalka, waxaa la iga dalbaday labo qarash oo kaladuwan — mid ka yimid isbitaalka, iyo mid ka yimid dhakhtarka. Labada biil ba ma u qalmaan caawimaada dhaqaalaha ee sharciga daryeelka deeqda ah?

Keliya isbitaallada ayaa laga doonayaa inay daryeel deeq ah bixiyaan.Sharcigu qasab kama dhigaayo in la daboolo qarashkaadka dhakhtarka. Hase yeeshee, isbitaallo badan ayaa ka doonayaa dhakhaatiirta ka shaqeeya isbitaaladooda inay raacaan xeerarka daryeelka deeqda ah ee isbitaalka. Waydii isbitaalkaaga si aad u hubiso haddii ay sidaas sameeyaan.

 

Ka waran haddii aan leeyahay guri, ama aan leeyahay kaydadka hawlgabka. Hantida noocaas ah ma iga hor istaagaysaa deeqda?

Waxa ugu muhiimsan waxaa weeye, isbitaalladu ma tixgelin karaan mulkiyada aad u leedahay guriga aad degan tahay, ama qiimihiisa, marka ay qiimaynayaan u qalmidaada daryeelka deeqda ah, marka guriga aad mulkigiisa leedahay wax saamayn ah kuma lahan daryeelka deeqda ah. Isbitaalladu waxay tixgelin karaan hantida qaar markay qiimaynayaan u qalmida, laakiin xadiga ayaa sareeya inta badana macaamiisha dakhli ahaan u qalma daryeelka deeqda ah ayaa laga saari doonin deeqda ayadoo lagu salaynaayo hantidooda.

 

Daryeelka deeqda ah ma daboolayaa xanuunnada sida Altzheimers?

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. U qalmida laguma saleeyo xaalado caafimaad oo gaar ah. Hase yeeshee, mararka qaar isbitaallada ay la xariiraan rugaha caafimaadka ayaa ku dabaqaaya xeerkooda daryeelka deeqda ah rugahaas caafimaad. Waxa ugu fiican ee aad samayn karto waa inaad mar kasta waydiiso.

 

Qiimo dhimisyadaan la kordhiyay ma waxay culayso dhaqaale ku abuurayaan isbitaallada?

Oregon ayaa ansixisay balaarinta daryeelka deeqda ah oo kan lamid ah sanadkii 2019. Kooxdeena sharciga ayaa la hadlay Maamulka Caafimaadka ee Oregon. Waxay sheegeen inaysan jirin wax cadayn muujinaysa in shuruudahooda daryeelka deeqda ah ay isbitaallada ku dhalinayaan culaysyo dhaqaale. Waxaan sidoo kale doonaynaa inaan xaqiijino inaan ka hadlayno qarashaadka caafimaadka ee dadku jeebkooda ka dhiibayaan, maaha qarashka guud ee caafimaadka bukaanka, inta badan. Isbitaallada ayaa wali lacagta ka helaya caymiska caafimaadka ee bukaanka ama Medicaid.

 

Sidee ayuu bukaanku ku ogaan karaa haddii uu u qalmo caawimaad dhaqaale oo lagu bixiyo sharciga daryeelka deeqda ah ee Washington?

Aalada xisaabiyaha ah ee kore ayaa ku siin karta qiyaas ku aadan haddii aad u qalmid karto, laakiin jawaabta oo fudud waa inaad waydiisaa isbitaalkaaga. Laakiin bukaannadu qasab maaha inay waydiiyaan. Sida ku cad sharciga gobalka, isbitaallada ayaa laga doonayaa inay ogeysiiyaan bukaannada inay heli karaan daryeel deeq ah si hadal ah iyo si qoraal ah labadaba, ayna hubiyaan bukaannada inay u qalmaan daryeelka deeqda ah kahor intaysan isku dayin inay qarashka jeebka uu ka bixinaayo ka dalbadaan bukaanka. 

 

Ka waran haddii ay ii joogaan carruur qaangaar ah, iyo xubno kale oo qaangaar ah oo qoyska kamid ah igula nool isla guriga aan daganahay? Sidee ayaa lagu go'aanshaa u qalmidaada?

Sharciyada daryeelka deeqda ah ayaa ku qeexaaya qoys "koox ka kooban labo qof ama ka badan oo wadaaga dhalasho, guur, ama ilmo la korsaday oo iskula nool hal guri." Tani waxay ka dhigan tahay in dakhliyada xubnaha qaangaarka ah ee qoyska isla nool la tixgelinaayo marka codsiga daryeelka deeqda la diraayo. Markasta xaqiiji inaad u sharaxdo xaaladaada shaqsiga ah isbitaalka aad codsiga daryeelka deeqda ah u dirayso waayo isbitaallada ayaa shardi dhaafyo samayn kara ayadoo ku xiran xaaladaha qofka.

 

Maxaa dhacaaya haddii isbitaalladu aysan raacin sharciga deeqda daryeelka ee gobalka?

Waxaan doonaynaa inaan xog ka helno dadka haddii ay wax dhibaatooyin ah qabaan. Waxaa noo diyaarsan koox qareenno ah oo arrintaan isha ku hayay, waxaana dacwado maxkamadeed oo dhawr ah ka gudbiyay isbitaallo ku fashilmay inay xaqiijiyaan in dadka danyarta ah ee reer Washington ee u qalma ay helaan qiimo dhimisyo ay sharciyan xaq u leeyihiin. Waxaan diyaar u nahay inaan tallaabo qaadno haddii isbitaalladu aysan raacin waajibaadka saaran. Haddii aad isleedahay isbitaalkaagu ma raacaayo sharciga, cabasho noogusoo gudbi barta https://www.atg.wa.gov/file-complaint

 

Muddo intee dhan ayay Washington qasab ka dhigaysaa in isbitaalladu bixiyaan caawimaad dhaqaale?

Sharcigii hore ee daryeelka deeqda ah ee Washington ayaa la ansixiyay sanadkii 1989, sidaas awgeed caawimaada ayay heli kareen bukaannada Washington muddo ka badan sodon sano.

 

Daynta caafimaadku waa dhibaato wayn oo haysata Ameerikaan badan, soo sax maaha?

Haa sax. Wadanka oo dhan, ku dhawaad sadex meelood labo meel oo kamid ah dadka soo gudbiya dalaafka dhaqaale ayaa sabab ka dhigta in cilado dhanka caafimaadka ah ay aasaas u yihiin, wax ka badan nus agabka lagula wareego soo magista dayntuna waxay la xariiraan daymo caafimaad. Helitaanka daryeelka ayaa sidoo kale ah qadiyad khusaysa sinaanta dadka. Bulshooyinka aan cadaanka ahayn ayaan si sax u helin caymis ku filan, waxayna si gaar ah ugu nugul yihiin qarashaadka fara kabaxa ah ee lama filaanka ah ee caafimaadka.